Ciiddanka Japan ee ka jooga Baddaha Somalia oo xilliga loo kordhiyey

Xukuumadda Japan ayaa sheegtay inay muddo hal sanno ugu kordhiyeen Hawlgalka ay Ciiddanka Badda Japan ka wadaan Badda Somalia, si Maraakiibta Ganacsiga looga badbaadiyo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Hawlgalka Ciiddanka Japan ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Somalia ayaa la bilaabay sannadkii 2009-kii, iyadoo ay ku-dhawaad 600 Askari qeyb ka yihiin Hawlgalkaasi.

Ciiddankaasi waxay ku hubeysan yihiin 2 Maraakiibta MSDF ee gurmadka u fidiya Maraakiibta Ganacsiga iyo Labo Diyaaradaha Sirdoonka ee nooca P 3C.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor