Ciiddanka Ethiopia oo Haweeney Soomaali ah ku dilay Bariga dalkaasi 

Toogashadaasi waxay shalay ka dhacday Degmadda Qabri-daharey oo 20-KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladad Harar ee Braiga Ethiopia.

Goobjoogayaal la hadlay Shabakadda Wararka ee Ogaden Online ayaa sheegay inay Ciiddanka Ammaanka toogteen haweeneydaasi oo lagu magacaabi jirey Maryan Muxumad Muuse.

Marxuumadda ayaa la sheegay inay qabanqaabinaysay Dibadbax lagu codsanayey Dib-u-habaynta Maamulka.

Dhinaca kale, Dibadbaxayaal ayaa ku dhaawacmay gaari xamuul oo ay la socdeen shil ku galay inta u dhexeysa Degmooyinka Wardheere iyo Daratoole.

Dhinaca kale, Is-maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia weli kama hadlin Toogashadda la sheegay inay ka dhacday Qabri-daharey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor