Ciiddanka Ethiopia oo dilay Askar Kenyan ah iyo xiisad ka taagan Xuduudka.

Ciiddanka Kenya oo ku hubeysan Taangiyo iyo Gawaarida Gaashaaman ayaa ka ambabaxay Xero Milliteri oo ku taalla Degaanka Mooyaale, si ay u gaaraan Xuduudka.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Ethiopian iyo kuwa uu dhex maray Is-rasaasayn lagu dilay Saddex Sarkaal oo Kenyaan ah.

Dilkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Sololo ee xadka labada dal.

Ciiddanka Ethiopia ayaa rumeysan inay Dagaalamaayasha Jabhadda Xorreynta Oromo ee OLF ay dagaal ka soo qaadaan, kuma dhuumaalaystaan gudaha xuduudka Kenya

Dhinacakale, Ciiddanka Ethiopia waxay shalay so ogaleen Tuullooyinka ka tirsan Degmadda Sololo, waxayna halkaasi ka kaxeysteen ugu yaraan 24 qof oo Kenyaan ah.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Ethiopia soo gaalaan xuduudka Kenya, waxayna horey xoog ugu so ogaleen Degmooyinka Mooyaale, Sololo iyo Ileret.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor