Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo la wada guddoonsiiyey Billado

1828 Askari oo u dhalatay dalka Burundi ayaa la guddoonsiiyey Billado Hawlkarnimo, kadib, markii ay dhamaysteen Waajibaadkii Shaqo ee ay ka hayeen Hawlgalka AMISOM.

Haweeneyda Ku-xigeenka u ah Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Lyda Wanyoto ayaa ciiddankaasi guddoonsiisay Billadaha, kadib, markii munaasabad loogu qabtay magaalladda Muqdisho.

Lyda Wanyoto oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa uga mahad celisay Ciiddanka kaalintii ay ka soo qaateen Deganaanshaha Somalia.

Waxay sheegtay iyadoo ku hadlaysa magaca Ergayga Gaarka ee AU-da ee Arrimaha Somalia, Ambassador Maman Sidikou ayey sheegtay inay wax wanaagsan u tahay inay yimaadaan, isla markaana ay ciiddamo ku soo biiriyaan Somalia.

Ciiddanka la guddoonsiiyey Billadaha oo ka kala tirsan Guutooyinka 26-aad iyo 27-aad ayaa dhamaystay Hawlihii ay u joogeen Somalia.

Munaasabadaasi waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, Lt. Gen. Jonathan Ronoiyo Danjiraha Burundi u jooga Somalia, Joseph Nkurunziza.

Danjiraha waxa uu sheegay inay Billadaha la siiyey Ciiddanka muujinayso inuu dhamaaday Waajibaadkooda Shaqo, isla markaana ku faraxsan yahay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Ambabaxooda ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay weli Xiisado Siyaasadeed ka taagan yihiin dalka Burundi, kadib, markii uu Madaxweynaha dalkaasi ka badbaaday Isku-day lagu afgembin lahaa.

Dhinaca kale, Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa ah Ciiddanka labaad ee ugu badan Hawlgalka AMISOM, marka laga reebo Ciiddanka Uganda.

Waxayna Ciiddanka Burundi ka hawlgeli jireen Gobalka Sh/dhexe, iyagoo kaalin ka geystay sugidda ammaanka ee Gobalkaasi.

AMISOM 1 AMISOM 2 AMISOM 3 AMISOM 4 AMISOM 5 AMISOM 6 AMISOM 7 AMISOM 8 AMISOM 9 AMISOM 11 AMISOM 13 AMISOM 14 AMISOM 15 AMISOM

 

Xigasho:- AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor