Ciiddanka Badda ee Midowga Europe iyo kuwa Kenya oo Dhoolatus Wadajir ku muujinaya La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida

Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia ee ATALANTA OPERATION waxay maanta  Kulan la leeyihiin Saraakiisha Ciiddanka Badda ee Kenya.

Kulankaasi oo ka dhacayo magaalladda Xeebta leh ee Mombasa, iyagoo ka wada hadlayo Iskaashiga labada dhinac iyo Dhoolatuska Wadajirka ee ay ku muujinayaan qaabka looga hor tegi karo Burcad-baddeedda ku sugan Badda Somalia.

Xubno ka tirsan Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Dibedda  ee Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Saraakiisha ka socota Hawlgalka ATALANTA OPERATION.

Ugu yaraan Labo Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda EU-da leeyihiin ayaa ku sugan Xeebta Mombasa, kuwaasi oo qeyb ka ah booqashadda Saraakiisha EU-da ku joogaan dalka Kenya.

Ciiddanka Badda ee Midowga Europe waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Caalamiga ee lagu xoojinayo Ammaanka Badda Somalia, La-dagaalanka Burcad-baaddeeda iyo ilaalinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska ee isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo Galbeedka Badweynta Hindiya

Tan iyo markii uu Hawlgalka ATALANTA bilowday sannadkii 2008-dii waxay Ciiddanka ka hor tageen weeraro lagu afduuban lahaa Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media