Ciiddanka Badda ee Libya oo soo badbaadiyey In ka badan boqol Tahriibayaal.

Ciiddanka Badda ee dalka Libya waxay sheegeen inay badbaadiyeen in ka badan 100 Tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaasi oo ay dooni kaga qaribantay Xeebaha Libya, xilli ay ku sii jeedeen Xeebaha Talyaaniga.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee Libya, Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 108 Tahriibayaal oo dul saarnaa dooni uu matoorka kaga halaabay Bartamaha Badda Mediterranean Sea.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay Labo Tahriibayaal geeriyootay, halka labo kale oo la soo badbaadiyey  ay xaalladooda liidato.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa ka soo kala jeeda dalal Afrikaan ah, inkastoo aan la shaacinin dalalka ay u kala dhasheen.

© Radio Dalsan                               

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor