Ciiddanka Badda ee Koonfurta Kuurya oo loo kordhiyey muddada ay joogayaan Badda Sonmalia

Guddiga Difaaca ee Barlamaanka dalkaasi waxa uu muddo hal sanno ugu kordhiyey Xilli-hawleedka Ciiddankooda Badda ee kala jooga Xeebaha dalalka Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxaana ay muddadaasi ka bilaabanaysaa bisha Janaayo 1-da ee sannadka soo socda ilaa bisha December 31-da ee isla sannadka soo socda ee 2016-ka.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi ee ka hawlgala Badda Somalia waxay hawlahaasi bilaabeen sannadkii 2009-kii, waxaana Ciiddankaasi wehliya Markab nooca wax burburiya oo culayskiisu dhan yahya 4,500 oo Tan.

Waxayna Ciiddankaasi qeyb ka yihiin Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Ku-dhawaad 150 Askari oo ka tirsan Mariniskadalkaasi ayaa waxay ku sugan yihiin Bariga dalka Imaaraadka, kuwaasi oo tababar siiya Ciiddanka Gaarka ee dalkaasi.

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor