Ciiddanka Ammaanka ee Galmudug oo soo badbaadiyey 8 Badmaaxiin Hindi ah.

8 ka mid ah 11 Badmaaxiin Hindi oo la socotay Dooni ay Burcad-baddeedu afduubatay bishii hore ee March 31-dii ayaa lagu guuleystay in maanta la soo badbaadiyo.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciiddanka Badda ee Galmudug, C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inay maanta soo badbaadiyeen 8-da Badmaax, iyadoo uusan wax dagaal ah dhicin.

Kabtankii Doonida ayaa ka mid ah dadka maanta la soo badbaadiyey, waxayna dhamaantooda haatan caafimaad qabaanm kuna jiraan Gacan Ammaan ah.

Hawlgalkaasi ayaa dhacay saakayto, kadib, markii ay Ciiddanka go’doomiyeen Burcad-baddeeda, kuwaasi oo ugu dambeyntii si nabad ah isku soo dhiibay.

Maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ayey Ciiddanka Galmudug waxay soo furteen Doonida Al-kausar iyo 2 ka mid ah Badmaaxiinta, iyadoo Burcad-baddeeda xilligaasi u suurto-gashay inay la baxsadaan Badmaaxiinta kale inta ay socotay is-rasaasaynta.

Doonida Al-kausar waxaa la qafaashay iyadoo maraysa meel ka baxsan Badda Yemen, kuna soo jiheysnayd Dekedda Bosaaso.

Doonida waxay waday Shixnad Qamadi iyo Sonkor oo ay ka soo qaaday Dejedda Dubai ee dalka Imaaraadka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media