Ciiddanka AMISOM oo is-hortaag ku sameeyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federalka.

Wasiirka Gargaarka ee XFS, Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta loo diiday inay gudaha u gasho gudaha Garoonka Aadan Cadde, si ay uga qeyb gasho Kulan ay kula ballansanayd Madaxda Xafiiska EU-da ee Arrimaha Somalia.
Ilo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Ilaaladda AMISOM ee ku sugnaa Albaabka Madina Gate si mutuxan ugu diideen Wasiir Maryan inay ka gudubto Albaabka, waxayna ku doodeen inaan lagu soo wargelinin Fasax ay iyadu ugu oggolaadaan inay u gudubto Qeybta ay deggan yihiin Ergadda EU-da.
Wasiir Maryan Qaasim waxay aad uga carootay hab-dhaqanka Ilaaladda AMISOM oo iyaga u muuqday inaysan lahayn Dhaqanka Asluubaysan ee lagu maamuso Madaxda XFS.
Wasiirka Gargaarka Aadminimadda ee XFS, Drs. Maryan Qaasim waxay Barta ay ku leedahay Twitter-ka soo dhigtay Qoraal 2 qeyb ahaa oo ay ku bidhamisay gefka aan garowshiyadda lahayn ee Askarta AMISOM ugu diideen inay u gudubto gudaha Garoonka Aadan Cadde.
Dr. Maryan Qasim‏ @DrMaryanQasim 

1/2 We r working under difficult circumstances in #Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from #AmisomSoliders @amisomsomalia

“Waxaan ku hoos shaqeynaynaa xaallad adag gudaha Somalia, laakiin wax cuddur-daar ah ma laha Dabeecadaha aan maanta ku arkay Askarta AMISOM” ayey Drs. Maryan ku qortay barteeda Twitter-ka.

Sidoo kale, Wasiir Maryan waxay Bogga 2-aad ee Qoraalkeeda ku qortay “Sax ahaanshaha dabeecadaha ay Ciiddanka AMISOM kula kaceen iyada iyo mid ka mid ah shaqaaladeeda oo haweeney ah maanta ee MIA albabka Medina Gate yahay mid aan la oggolaan karin.

2/2 t condescending behaviour from #AmisomSoldiers towards me & my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable @amisomsomalia

Dhinaca kale, Taliska AMISOM weli raalli-gelin kama bixinin Maamuus La’aanta ay Ciiddanka AMISOM kula kaceen Wasiir Maryan Qaasim.
Sidoo kale, Xafiiska Ergadda EU-da ee Somalia ayaan weli war ka soo saarin Tallaabadda ay Askarta AMISOM ku hor-joogsadeen Wasiirada oo iyada ballan lala lahaa Madaxda EU-da.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Ciiddanka AMISOM is-hortaag ku sameeyaan Madax ka tirsan XFS.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media