Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka oo loogu baaqay inay dib u qabsadaan Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan

Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba waxaa weli ka socda Shirweynihii 15-aad ee AMISOM, iyadoo ay Guddiga Farsamadda ee Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha AMISOM qorsheynayaan in la riixo Ajendahaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galayo Taliyayaasha iyo Saraakiisha Dowladaha ay ciiddamadda ka joogaan Somalia iyo Dowladaha kale ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Ismail Chirgu ayaa Kulankaasi ka sheegay in loo baahan yahay in la dardar geliyo Hawlgalka ka dhanka ah Dagaalamyaasha Alshabaab.

Waxa uu ugu baaqay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka inay u hawlgalaan sidii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ugala wareegi lahaayeen Deegaannadda ay maamulaan.

Shirkaasi ayaa waxa la isku dhaafsaday xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo Hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaab iyo sidii ay AMISOM iyo ciiddanka Dowladda Federalka ula wareegi lahaayeen maamulista dhamaan deegaanadda ay joogaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha 15-aad ee Hawlgalka AMISOM ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo in ka badan 50 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Burundi dhawaan lagu dilay weerar ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor