Ciiddan Ugandhese ah oo lagu dhaawacay dalka Koonfurta Suudaan.

Ugu yaraan 3 Askari ayaa lagu dhaawacay weerar ay Kooxo hubeysan la beegsadeen Kolonyo ay Ciiddanka Uganda la socdeen oo maraysay Bariga Gobalka Egwatoor ee Bariga dalka Koonfurta Suudaan.

Afhayeenka Guutada 4-aad ee Uganda, Gaashaanle Xasan Kato oo la socday Kolonyada la weeraray ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, inkastoo uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Padhi Ankunda ayaa soo dhigay bartiisa Twitterka in Ciiddankaasi ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Uganda waxay labo kun Askari shalay u dirtay dalkaasi, si loo soo daad-gureeyo Dadka Ugandheska ee ku go’doomay dagaalladda ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Dhinaca kale, 11 qof oo rayid ah oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu dilay dalkaasi, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Uganda, Oryem Okello oo shalay la hadlay Barlamaanka dalkiisa.

©Radio Dalsan

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media