Ciiddan Uganda oo ku soo fool leh Mudisho iyo Haweenka ka tirsan Ciiddanka Uganda oo looga digay inay la haasaawaan ragga Soomaalida

Guuto ka tirsan Ciiddanka Uganda ayaa lagu wadaa inay berrito soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM.

Ciiddankaasi oo tiradooda guud dhan tahay 1972 Askari , waxaa kaloo ka mid ah Ciiddan Khaas ah oo ilaalo u noqon doona Saraakiisha Hay’addaha QM iyo Xarumahaay ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General Katumba Wamala oo la hadlay Guutadaasi ayaa ku booriyey inay yeeshaan Dishibiliin Wanaagsan, isla markaana aysan wax tacadi ah u geysanin dadka Soomaaliyeed.

General Katumba Wamala oo xilka Taliyenimo la wareegay sannadkii 2013-kii waxa uu ciiddankaasi kula hadlay Dugsiga Tababarka Milliteriga ee Singo Millitary Training School oo ku yaalla Degmadda Nakaseke.

Waxa uu uga digay ragga ka tirsan Ciiddanka Uganda inay wax xiriir ah la yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay falalkaasi khatar gelin karaan habsami-u-socodka Hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale, waxa uu uga digay haweenka ka tirsan Ciiddanka Uganda inaysan wax hasaawe ah la yeelanin ragga Soomaaliyeed, isla markaana ay noqdaan kuwo Dishibiliin leh.

Ciiddanka cusub ee Uganda ee berrito ku soo wajahan magaalladda Muqdisho, ayaa waxay kala yihiin 1442 askari oo ku biiraya Hawlgalka AMISOM iyo 530 askari oo iyagana ka mid noqonaya Ilaaladda Gaarka ee QM.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Uganda ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka cusub muddo hal sanno joogi doonaan dalka Somalia, iyagoo ka hoos shaqeynaya Hawlgalka AMISOM

Xigasho:- Daily NationUPDF 3 UPDF 4 UPDF 8 UPDF 9 UPDF UPDF_1 UPDF7 wamala 1 wamala 2 wamala 5 wamala

© Warqabadka Dalsan Radio