Ciiddan ka tirsan Puntland oo Dhowr qof ku dilay Waqooyiga Gaalkacayo

Wararka naga soo gaarayo magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddan ka tirsan Puntland ay xalay tacshiirad huwiyeen gaari yar oo lagu waday qof ku soo dhaawacmay Koonfurta Gaalkacayo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ilaalo joogtay meel ku dhow Isbitaalka Dhexe ee Waqooyiga Gaalkacayo ka shakiyeen gaariga oo si xawli ah ku socday, waxayna ku fureen rasaas ay 4 qof ku geeriyootay, halka au afar kalena ku dhaawacmaan.

Ma cadda sababaha rasmiga ee sida Mas’uuliyad-xumida leh ee ay Ilaaladda tacshiiradda ugu fureem gaariga, iyadoo dadkii waday qofka dhaawaca ku qeylinayeen inay wadaan Qof dhaawac ah.

Shalay ayey ahayd, markii uu hal qof oo rayid ah ku gereiyooday Iska-horimaad Waqooyiga Gaalkacayo ku dhex maray Ciiddanka Boliska Puntland iyo dad la sheegay inay degganaayeen Dhismo ay Dowladdii Hore ee Soomaaliya lahayd.

Dhinaca kale, Dowlad-gobaleedka Puntland wax hadal ah kama soo saarin labada dhacdo ee ay dhowrka qof ku geeriyootay.

© Radio Dalsan