Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Afgooye.

Gaari Tekniko ah oo ay la socdeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka ayaa waxaa qarax lagu eegtay Deegaanka Buulo-Folyo oo 3-KM u jirta Degmadda Afgooye.

Gaariga oo noociisu ahaa Land Crusier Pick Up oo ay Soomaalida u yaqaanaan Cabdi Bile ayaa waxa uu ka ambabaxay magaalladda Muqdisho, waxayna Ciiddanka ku sii jeedeen Xeradooda oo ku taalla Deegaanka Laanta Buur.

Ugu yaraan 7 Askari ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qaraxaasi, halka dhowr kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga uu jiiray miino lagu aasay Waddada, taasi oo keentay inuu gaarigu qarxo.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Degmadda Afgooye ayaa soo gaaray goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaano lagu baacsanayo Kooxihii ka dambeeyey qaraxaasi.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor