Ciiddan ka tirsan Boliska Uganda oo lagu soo biiriyey Hawlgalka AMISOM

140 Sarkaal oo ka hoos shaqeyn doona Hawlgalka AMISOM ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo muddo hal sanno la shaqeyn doono Ciiddanka Boliska ee AMISOM.

Ciiddankaasi cusub eek a yimid Uganda ayaa ka kooban 127 Saraakiil rag ah iyo 13 Sarkaal oo haween ah, kuwaasi oo maalintii Isniinta ee la soo dhaafay loo soo gebagebeeyey tababar u socday muddo hal isbuuc ah.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, haweneyda lagu magacabo Lydia Wanyoto Mutende ayaa ku boorisay Ciiddankaasi inay la yimaadaan Anshax Wanaagsan, isla markaana ay ogaadaan inay ka hawl galayaan Deegaano ku cusub.

Waxay intaasi ku dartay in loo baahan yahay inay ogaadaan inaysan imaanin goob uu dagaal ka socdo, balse ay yimaadeen Dal ay Dowlad ka jirto, isla markaana ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ganacsi wanaagsan.

Lydia Wanyoto Mutende  waxay sheegtay inay AMISOM awoodeen inay dib u soo nooleeyaan Sharciga iyo Amarka, isla markaana ay taageero ka geystaansidii loo dhisi lahaa Siyaasadda Bulshadda iyo Ammaanka Somalia.

Taliyaha Boliska AMISOM, Anand Pillay ayaa  sheegay inuu Ciiddanka cusub taageero ku siinayaan Hawshooda, isagoo tilmaamay inay Boliska AMISOM wada shaqeyn la leeyihiin Ciiddanka Boliska Somalia, oo ay u fidiyaan Tababaro iyo in dib loo hawlgeliyo Saldhigyadda Boliska ee Degmooyinka lagala wareegay Alshabaab.

Waddanka Uganda waxay ka mid yihiin shanta waddaan ee Ciiddanka Boliska ku soo biiriyey Hawlgalka Boliska AMISOM, iyadoo dalalka kale ee ay Boliskooda ka hoos shaqeeyaan AMISOM kala yihiin Kenya, Nigeria, Ghana iyo Sierra Leone.

© Radio Dalsan

UGANDA 1100 uganda police  6 UGANDA POLICE 1 uganda police 3 UGANDA POLICE

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor