Ciiddan ka tirsan Boliska Somalia oo la qorsheynayo in lagu soo tababaro Urdun.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Xuseen Odawaa’ iyo dhigiisa dalka Urdun, Salaamah Xamaad oo shalay kulan ku yeeshay Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa ka wada hadlay Suurta-galnimada Qorshahaasi.

Wakaalladda Wararka ee dalka Urdun ee Petra News Agency oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa baahisay inay Labada Wasiir kaloo ka wada xaajoodeen sidii ay Boqortooyadda Urdun taageero uga geysan karaan caqabadaha haysta dadka iyo dalka Somalia, gaar ahaan dhinacyadda Boliska iyo Ammaanka ee  Somalia.

Dhinaca kale, Labada Wasiir waxa uu kulankooda barbar socday  Shirweynaha 33-aad ee Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee dalalka Carabta oo shalay lagu soo gebagebeeyey caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor