Ciiddan cusub oo Jabuutiyaan oo soo gaaray Gobalka Hiiraan.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Jabuuti ayaa waxay Ciiddan cusub u soo daad-gureysay Gobalka Hiiraan, si ay u beddelaan Ciiddankii horey halkaasi u joogay 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

DJ 1Boqolaal Ciiddan Cusub ayaana shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif Airport ee magaalladda Beled-weyne, kuwaasi oo shaqada kala wareegayo Ciiddankii horey u joogay Gobalkaasi.

 

DJ000

Diyaarad Xamuul oo ay QM leedahay ayaana Ciiddankaasi iyo qalabkooda Milliteri looga soo daabulay dalka Jabuuti, waxayna ciiddanka cusub joogi doonaan muddo hal sanno.

Dhinaca kale, Ciiddankii ugu horreeyey ee ka socday dalka Jabuuti waxay Somalia yimaadeen bishii December ee sannadkii 2011-kii, kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 960-Askari.

Ciiddankaasi oo la dejiyey Gobalka Hiiraan waxay kaalin ka qaateen Hawlgalkii AMISOM ee Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaray inta badan Gobalka Hiiraan.

Reer Hiiraan waxay Ciiddanka Jabuuti ugu yeeraan Hiil-walaal, waxaana aad u wanaagsan Xiriirka Ciiddankaasi iyo Bulshadda ku nool Hiiraan.

© Radio Dalsan