Ciiddamo Ugandese oo ilaalo ka noqon doona Villa Somalia iyo Garoonka oo soo gaaray Muqdisho.

Ciiddankaasi Cusub oo maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay ka hoos shaqeyn doonaan Hawlgalka AMISOM, iyagoo taageeroa ka geysan doon Hawlgalladda socda ee Ammanka Somalia.

Ciiddankaasi oo ah Kooxda 21-aad  waxay beddeli doonaan Kooxda 18-aad, kuwaasi oo dhamaystay muddada halka sanno ee ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalkaasi.

Wargeyska New Vision ee ka soo bxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay Ciiddankaasi cusub sugi doonaan Ammaanka Xarumaha muhiimka oo ay ku jiraan Xarunta Villa Somalia, Dhismaha Barlamaanka Federalka, Dekedda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha iyo Saldhigga Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Xeradda Xalane.

Ciiddanka Cusub ee Uganda waxaa kaloo loo qorsheeeyey inay sugaan Ammaanka Saldhigyadda Ciiddanka AMISOM ee Deegaandda  Leego, Carbiska, Jaziira iyo Degmadda  Afgooyeoo dhamaantooda ka tirsan Gobalka Sh/hoose.

Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6.000 oo Askari, waana Ciiddanka ugu badan ee Hawlgalka AMISOM.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media