Ciiddamo Maraykan oo lagu arkay Kaymaha Boni ooay isku hor fadhiyaan Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab

Wargeyska The Daily Nation ee Kenya ayaa waxa uu maanta qoray in Ciiddan ka tirsan Mariniska Maraykank ay ku sugan yihiin Kaymaha Boni oo ay Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku hardamayaan.

Wargeyska waxa uu qoray in Marinka Maraykana ay xiran yihiin Jaakooyinka aysan xabbadaha ka dusi Karin, waxayna ku socdaalaan Gawaarida Gaashaaman ee Milliteriga.

Ciiddanka ayaa lasheegay inay ilaalo u yihiin Agaasimaha Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USaud, John Smith Sreen, kaasi oo indha-indheynayo Dhismaha Mashaariic lagu taageeri karo Dadka Deegaanka.

Agaasimaha Hay’adda USaid waxa uu la hadlay Odayaasha ku nool Deegaanka Mukowe oo ka tirsan Dhul-weynaha Lamu, wuxuuna xusay inay adag tahay in Nabad lagu soo dabaalo Deegaan aysan haba yaraatee ka jirin Wax Horumarin ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor