Ciiddamo caddaan oo xalay weeraray Alshabaabka ku sugan Degmadda Aw Dheegle.

Goobjoogayaal ku sugan Degmadda Aw Dheegle oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose waxay sheegayaan inuu xalay dagaal xooggan ka dhex dhacay Degmaddaasi oo ay Alshabaab gacanta ku hayaan.

Ciiddanka Dowladda Federalka oo ay Ciiddan caddaan ah wehliyeen ayaa ka qeyb galay Iska horimaadkaasi oo la sheegay inuu  muddo 60-daqiiqo ka socday gudaha Aw Dheegle.

Hawlgalkaasi ayaa u muuqday mid qorsheysnaa, iyadoo ay Ciiddanku abaareen Dhismo ay Saraakiisha Alshabaab ka deggan yihiin Aw Dheegle.

Ilo madax bannaan ayaa sheegay inay saakayto ilaa 5 mayd lagu arkay gudaha Degmadda Aw Dheegle, waxayna Alshabaab bilaabeen inay sameeyaan baaritaano iyo inay adkeeyaan Difaacooda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmadda Aw Dheegle, Maxamed Aweys C/qaadir oo saakayto la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyey inay Ciiddan caddaan ah ka qeyb galeen Hawlgalkii xalay laga fuliyey Aw Dheegle.

Dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqlayeen guuxa Diyaaradaha Helikoptarada oo dul heehaabayey Aw Dheegle iyo dhawaqa rasaasta fudud iyo hubka culus ee ay labada dhinac isweydaarsadeen.

Lamana garanayo dalalka ay u dhasheen Ciiddankii ka qeyb galay Hawlgalkii xalay lagu weeraray Degmadda Aw Dheegle oo ay Alshabaab ku leeyihiin Fariisin xooggan.

Xaalladda ayaa maanta deggan, waxaana wada furandhamaan goobihii Ganacsiga ee ku yaallay Aw Dheegle.

. ©Radio Dalsan