Ciiddamadda Caalamiga oo Dhoolatus ka sameeyey Xeebaha Somalia.

Ciiddamo Badda oo ka kala socday dalalka Maraykanka, Britain, Japan iyo Koonfurta Kuurya waxay Carbis Milliteri ka sameeyeen meel ka baxsan Xeebaha Somalia, kaasi oo lagu muujinayey cududooda La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa sheegtay in Carbiskaasi loogu diyaar-garoobayo Hawlgalka Isbhaysiga ee Isku-dhacyada iyaga iyo Burcad-baddeeda sida joogtada kaga qowleysata Gacanka Cadmeed.

Captain Kim Kyung-ryul oo ka tirsan Ciiddanka Bdda Koonfurta Kuury aya sheegay in Dhoolatuskaasi Wadajirka taageero ka geystay iskaashiga Ciiddanka Badda ee 4-taasi Waddan iyo Adkeynta Xoojinta Hawlgalkasi.

Carbiskaasi waxa hagayey Admiral Tatsug Fukuda oo ah  Taliyaha Ciiddanka Kooxda Shaqada  Isku-dhafka ee Combined Task Force-151 ee La-dagaalanka Burcad-baddeed iyo Dhaca Hubeysan ee Badda Carbeed.

Dalalka soo diray Maraakiibt ugu xoogga weyn ayaa kala ah:

  1. Ciiddanka Badda Maraykanka oo soo diray Markabka Dagaalka ee USS Carter Hall
  2. Japan oo soo dirtay Maraakiibta wax burburiya ee TERUSUZJ iyo Choe Yeong.
  3. Ciiddanka Badda Britain oo soo diray Markbk Dagaalka ee Monmouth.

Dhoolatuskan Milliteri ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Burcad-baddeeda dib u bilaabeen Hawlgalkooda, iyagoo bishii hore iyo bishan qafaasheen dhowr Markab oo ay sii daayeen wax lacago madax furasho ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media