Ciidankii hore ee Afganistan oo ku biirayo Ciidanka Iska-Caabinta Daalibaan

Ciiddankii Dowladdii Ashraf Qaani ee diiday inay isku dhiibaan Daalibaan iyo kuwa u daacadda ah Jeneral C/Rashid Dostum ayaa la sheegay inay u jiheysteen si ay ugu biiraan Ciiddanka u daacadda ah Madaxweyne-ku-Xigeenkii dalkaasi, Amurullaahi Saalax oo ku sugan Gobalja Panjshir ee Waqooyiga dalkaasi.

Ciiddanka Madaxweyne-ku-xigeenka waxaa la sheegay inay ku soo biirayaan 10,000 oo Askari oo ku hubeysan Hubka fudud iyo Qalabka culus ee Ciiddamada.

Ma kala cadda halka ay Taageerada ka helayaan Ciiddankaasi la sheegay inay ka soo horjeedaan Daalibaan.
Dagaal ayaa la sheegay inuu Ciiddankaasi iyo kuwa Daalibaan ku dhex marayo qeybo ka mid ah Waqooyiga Afqaanistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor