Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan oo ku aadan sidii ay weeraro ugu qaadi lahaayeen Ciidamada Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaas.

Wararka Dalsan ka soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyada ugu badan haatan laga dareemayo xerooyinka ay ciidamada Milateriga Sooamaliya ku sugan yihiin ee kala ah Laanta Buuro, Nambar Konton iyo Ballidoogle.

Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa waxa ay dabajoogaan hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay Arbacadii la soo dhaafay iyo sidoo kale hadal shalay Gelinkii dambe uu u jeediyay ciidamo ku sugnaa Xerada tababarka Jaziira basle markii dambe u dhaqaaqay dhanka Shabeellaha dhexe.

Guluf Colaadeed aya haatan laga daraamya Shabeellaha hoose,waxaana Maalma ka hor Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanada Sabiib, Caanoole iyo deegaano kale.

Dadka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qaarkood waxa ay Dalsan u sheegeen in ay dareemayaan dhaq dhaqaaqa socda isla markaana ay cabsi soo wajahday.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media