Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo weeraray Saldhigyo lagu tababari jiray Shabaab

Weerarkaan ayaa dhacay saakay Waaberigii waxaana la sheegay in ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay weerareen Saldhig ay Al-Shabaab ku tababarayeen Ciidamo oo ku yaalla deegaanka Jameeco Jiliyaale ee dhinaca Bari ee Magaalada Jowhar.

Dadka deegaanka qaarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa wxa ay dalsan u sheegeen in Saakay waaberigii ay maqleen Jug culus kadibna uu xigay dagaal kooban oo mudo socday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa iyana sheegay in howlgalkaas ay fuliyen Ciidamada Danab oo ka yimid fariisinkooda Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana ay dileen Saraakiisha tababareysay Dhalinyaarda ku biiraya Shabaab iyo ilaaladooda.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Kumaandoosta soomaaliya ay weeraraan deegaanka Jameeco Jiliyaale ee dhinaca Bari ee Magaalada Jowhar,halkaas oo ay Al-Shabaab ku tababarayeen dhalinyaro ku biireysa.

Taliyaha qeybta 27,aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in howlgal laga fuliyay Wadada u dhexeysa Balcad iyo Jowhar lagu dilay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa Shabaab,welina dhankooda Al-Shabaab kama hadlin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media