Ciidanka dowladda Kenya oo dad u qab-qabtay qarax lagula eegtay qaybo ka mid ah Gobolka Gedo

Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa Qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaanna ka tirsan gobolka Gedo xilli ay socdaal ku jireen ciidanku.

Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala duwan uu soo gaaray Askarta Kenyaatiga ah,qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen ayaa waxaa la sheegay inuu qaraxu saameeyey taasina ay keentay in gaadiidku soco waayaan sidaasna ay uga tagen goobtii qaraxa lagu eegtay.

Markii qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa ciidanka Kenya ay qab-qabteen tira dad ah oo u badan dhallinyaro xoolo dhaqata ah oo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Illaa 7-qof ayaa lagasoo xigtay masuuliyiin ka mid ah Maamulka Gobolka Gedo in ciidanka Kenya ay u qabteen qaraxa dhacay,waxaaa dadka deegaanka qaarkood iyo Masuuiyiinta Jubbaland ugu magacaaban gobolkaba ay inoo sheegeen in aan la ogeyn waxa ay ku sugantahay xaaladda dadka ay wateen Ciidanka Kenya ee lagu qarxiyey G/Gedo.

Al-shabaab ayaa sheegta inta badan masuuliyadda weerarada iyo qaraxya lala eegto Ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda.