Ciidanka dowlada Kenya oo xabsi dhigay labo qof oo soomaali ah oo ay ugu shakisanyihiin Al Shabab

Police-ka county Isiolo ee bariga dalka kenya ayaa xabsiga dhigay, labo ruux oo soomaali ah kuwaasoo ay la xiriiriyeen waxa reer-galbeedka ay ugu yeeraan Argagixiso.

Remmy Victor Odera alias Musa Busia and Abdi Muhamud Hillow, ayeey Police-ku ay ku eedeeyeen in ay soomaaliya ay joogeen sanadkii 2012, waxana ay ciidamadu ay xireen 1 August 2016.

Warbixinta Police-ka Kenya, oo  Radio Dalsan ay aragatay, ayaa sheegeysa in Musa Musia uu dalka soomaaliya usoo safray markii ugu horeeysay sanadkii 2012, iyagoona tababar militer ay kusoo qaateen soomaaliya kadibna ay dalka kenya dib ugu noqdeen.

“ Tan iyo markii uu kusoo laabtay dalka kenya, waxaa uu ka shaqeynayay askareenta dhalinyada ku nool Busia, Isiolo iyo Marsabit” warbixinta ay Idaacadda Dalsan ay aragtay ayaa ay ku qorteen xigashada Police-ka.

Police-ka ayaa ugu dambeyn sheegay in labada ruux ay gcanta ku dhigeen ay lasoo qabteen, Kumbiitarom fiilooyin koronto, SIM cards, Falaashyo, iyo hard desk .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor