Ciidamo soo magan-galay Pakistan oo Maanta dib loogu celiyay dalkooda

46 Askari oo u dhashay dalka Afganistan oo shalay ka gudbay Xuduudka Pakistan ayaa la sheegay in maanta dib ugu laabteen dalkooda Hooyo.

Ciiddankaasi oo ay ka mid ahaayeen 5 Sarkaal waxay shalay ka firxadeen Bar Kontorool, kadib, markii ay Daalibaan kala kulmeen weerar ay u babac dhigi kari waayeen.

Hadal ka soo baxay Taliska Milliteriga Pakistan ayaa lagu sheegay inay Ciiddankaasi iyagu dalbadeen inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxayna ka gudbeen Degmadda Jitral oo kaabiga ku haysa Xuduudka ay labada dal wadaagaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Sheekh Rashiid Axmed waxa uu beeniyey inay Ciiddanka Afganistan isku dhiibeen Ciiddanka Pakistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor