Ciidamo Mareykan iyo Somali ah oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay D/Jamaame

Ciidamo Mareykan iyo kuwa Somali ah, ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Hawlgalkaan ayaa wuxuu dhacay xalay, kadib markii ciidamadan Mareykanka iyo kuwa Somalida ah oo wada socda ay ku dagteen duleedka Magaalada Jamaame.

Ciidamadan oo watay diyaarado Helicopter ah ayaa lagu soo waramayaa duleedka Jamaame markii ay ku dagteen inay qaab lug ah ku galeen Magaalada, balse Koontaroolka Magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada iyo ciidanka Shabaab.

Dagaalkaasi oo socday muddo kooban ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray.

Taliska ciidamada Mareykanka Africom, kama aysan hadlin weerarkaan qorsheysan ee xalay ay ku qaadeen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerar qorsheysan oo ciidamadaasi ay ku soo qaadeen Magaalada Jamaame, khasaare kala duwana ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarkaasi soo qaaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media