Ciidamo loo diyaariyay isticmaalka hubka culus oo tababar loo soo xiray

Ciidamo gaaraya 150 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Tababarkan ayaa socday muddo 15 maalmood ah,waxaana askartan la barayay shiishka ama toogasha meelaha dhaadheer wax laga toogto.

Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen.Ismaaciil Saxardiid oo munaasibadda tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadaas la baray sida loo toogto waxa uu ku sheegay cadowga islamarkaana ay tababarka bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Jubbaland.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad Cismaan Axmed Aadan, ayaa isna sheegay in tababarkan uu Ciidamada dowladda ka saacidayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamadan waxaa ay ka mid noqonayaan kuwa dowladda Federaalka ah ee qeybta 43aad ee Gobolka Jubada hoose,iyada oo tababarrada noocan ah ay sii soconayaan sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.