Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah  ayaa u  dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxa uuna ka dhacay Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkenley ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada xasilinta oo howlgal ka wada Waaxada Saddexaad ee degmada Dharkenley ay la kulmeen Ciidamo Millateri ah halkaasna ay is rasaaseyn khasaaro dhalisay ay ku dhex martay sida uu Dalsan u shegay qof ka mid ah dadka deegaanka.

“Anaga oo xaafada iska joogno ayaan rasaas farabadan maqalnay waan naxnay laakin waxana naloo shegay in ciidamad dhexdooda is dagaalayaan,haa waa xasilinta iyo Millateri khasaro wuu jiraa Haweney aan naqaano oo dadka xaafada ka tirsan ayaa ku geeriyootay hal askari oo la qaadayana waan arkay ayuu yiri qof ku sugnaa halkii lagu dagaalamay.

Isku-dhacayda Ciidamada dowladda dhexdooda ah ayaa maalmaahan ku soo batey Magalada muqdisho,waxan digniin ka soo saaray maalma ka hor taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya balse uu weli kas ii socdo Magalada Muqdsiho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media