Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay D/Wadajir

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Somaaliya ayaa maanta waxa ay ku wada dagaalameen qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada loogu talo galay xasilinta amniga Mauqdisho ay iskudayeen in ay hubka ka dhigaan Maleeshiyad hubeysan oo ku sugan Suuqaweyn ee degmada Wadajir balse taasi ay keentay in ay wada dagaalamaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxaana lagu soo waramayaa in iminka Ciidamada loogu magacdaray Xasilinta ay xireen Wadada u dhaxeyso Suuqawqeyn ilaa Shirkadda Hormuud iyagoo u diidaya in ay Gadiidka maraan.

Xiriir aan la sameynay Maamulka Cusub ee degmada Wadajir aayanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dagaalkaas.

Wixii ku soo kordha kala socd radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media