Ciidamo ka tirsan Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayan in Maanta halkaasi lagu dilay laba Askari oo ka mid ah kuwa Canshuurta qaada xili ay ku sugnaayeen suuqa Boosaaso.

Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa la sheegay in labada Askari oo ka tirsanaa kuwa Canshuurta qaada ay si gaadmo ah ku toogteen iyaga oo Goobta ka baxsaday.

Maydka labada Marxuum, ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada Askarta la dilay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntlnd ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano wallow asyan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Sidoo kale waxaa horay u jiray in dhowr habeen Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Boosaaso Bamgacmeedyo lagu weeraray wallow aysan khasaaro geysan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media