Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo lagu dilay Weerar ka dhacay Gobolka Lamu ee dalka Kenya

Qarax ayaa maanta ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasi oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa booliiska ayaa sheegtay inay jiraan khasaare ka dhashay qaraxaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxa ay shaaciyeen dhimashada ugu yaraan afar askari, ayada oo laba kale la la’yahay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, ayaa sidoo kale sheegatay inay ku dileen toddoba askari oo k tirsan Ciidmada kenya.

Dhowaanahan ayaa waxaa sii kordhayey qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Soomaaliya.

Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay, deegaanka Malele, 25-kii bishan.

Sidoo kale, Sideed ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay weeraro kala duwan oo 24-kii bishan ka dhacay deegaanka SIMO oo u dhow Carabiya iyo wadda isku xirta deegaanada Liboi iyo Kulan , kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media