Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Cudurka Shuban-Biyoodka u geeriyooday

Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolkaas ayaa waxay sheegayan in Askar ka tirsan Ciidamada ay Cudurka Shuban-Biyoodka ugu geeriyoodeen xeradaas.

Ilaa 2 (Laba skri) ayaa la xaqiijiyay in ay Xeradaas ugu geeriyoodeen Cudurka Shuban-Biyoodka halka 50 kale oo Ciidamada ka tirsan ay la jiifaan oo hlkaasi lagu dabiibayo.

Waayadan ayaa waxaa la soo sheegayay in halkaasi uu cudurka Shubanka uu ka dilaacay,waxana uu sababay geeridii ugu horeysay ee laba akari oo kamid aha kuwii Xeradaas ku sugnaa.

Deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya aya haatan uu ka jiraa Cudurkaas,waxana dhawaan jirtay in Xabsiga Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ay ku geeriyoodeen dad gaaraya ila Sadax ruux oo Maxaabiista kamid ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media