Ciidamo ka tirsan dowladda oo isku faro saaray M/Muqdisho iyo xaalado oo kacsan…

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Somaaliya ayaa goordhow isku rasaaseeyay agaagrka Safaaradii hore ee Turkiga oo ku taalo meel aan ka fogeen Isgoyska KM. 4 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa isugu jira Booliis iyo Nabad-Sugid, mana cada sababta ay isku khilaafeen Ciidamadaas oo la sheegay in ay isku adeegsadeen Hubka Culus iyo kan Fudud intaba.

Weli macada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas u dhaxeeyay Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad-Sugida Somaaliya.

Goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa xaaladeeda iminka ay tahay mid degan,waxana daqiiqado kooban hakad galay isu socodka Gaadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media