Ciidamo ka socda dowlada Ingiriiska oo soo gaaray soomaaliya si ay u gutaan waajibaadka nabad ilaalinta QM

Ciidamo ka socda dowladda Ingiriiska ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay taageerida howgalka Qaramadda Midoobe si loola dagaalamo Xarakadda Al Shabab.

Askartaan soo gaartay Soomaaliya, ayaa waxaa tiradooda ay gaarayaan Toban Askeri, kuwaas oo isugu jira, Tababarayaal, waxaana ay ka socdaan ciidamadda la yiraagdo Force Troops Command, waxaana ay ka taageeri doonaan, dadaalka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa, ay kaga soo horjeedaan Al Shabab.

Ciidamadaan waxaa ay hordhac u yihiin, ku dhowaad 70 askeri oo ka socda dowlada Ingiriika, kuwaasoo marka ay yimaadaan soomaaliya, ciidamadda ku caawin doona, dhinacyadda Caafimaadka, Logistical-ka iyo dhibaca Engineering-ka.

Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay dalka koonfurta Sudan, ay u daad-gureysay ku dhowaad 300 oo askeri kuwaasoo ka qeybqaadanaya deminta xasaraha ka taagan dalkaasi.

Xarakadda Al Shaabab, ayaa dowladda soomaaliya kula dagaalameysa sidii ay gacan ku heynta guud ahaan soomaaliya ay u hoos imaan laheed.
Xarakadda Al Shabab, ayaa waxaa ay qaadaan weerar lagu hoobto, oo ka dhacay gudaha soomaaliya iyo wadamadda deriska la ah, sida kenya, waxaana la aaminsanyahay in dagaalyahanada Al Shabab ay gaarayaan ku dhowaad 7,000 ilaa 9,000 oo dagaalyahan.

Ciidamadda Midowga Africa, ayaa waxaa ay soomaaliya soo gaareen sanadkii 2007, waxaana ay ka kala socdaan wadamadda Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya.