Ciidamo gadoodsan oo Xaafado Kismaayo ka mid ah xirtay

Ciidamo gadoodsan oo ka careysan xariga Xildhibaan Axmed Taajir ayaa lagu soo warramayaa inay saaka fuuleen dabaqa Fiat oo ku yaala ka soo horjeedka xarunta taliska ciidamada nabad sugidda Jubaland halkaasoo uu ku xiranayahay xildhibaanka.

ciidamadaan ayaa xiray gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii ka jiray jidka dheer ee laamiga ah ee magaalada dhex mara.

Xildhibaan Axmed Taajir oo ay Jubaland ku eedeysay maamul dumis ayay ciidamada nabadsugiddu xireen todobaadkii hore, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu isla markiiba magacaabay Garsooraha maxkamadda Jubaland si xildhibaanka maxkamad loo soo saaro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media