Ciidamo farabadan oo la soo dhoobay Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya

Wararka aan ka heleyno Xadka ay Wadaagaan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo kuwa Kenya ah kuwaas oo howlgallo baaritaano ah halkaasi ka wada.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa Saraakiisha Ciidamada Kenya ay sheegeen in ay ku qabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo ay uga shakisan yihiin in ay xiriir la leeyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay baarayaan Gaadiidka Waaweyn ee dadka ka qaada degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo,gaar ahaan degmada Balad Xaawo halkaas oo dhowr mar dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro ka geesteen.

Ugu dambeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgalkaan waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee Gobolka Waqooyi Bari islamarkaana looga hortagayo weeraro kale oo ay ka geestaan Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media