Ciidamo farabadan oo Caawa ku sii qul qulaya fariisimihii Al-Shabaab ee Puntland

Wararka aan Caawa ka heleyno deegaanada Togga Suug iyo Garmaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka puntland.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan rag ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in Maalmihii la soo dhaafay lagu arkay deegaanadaas ku waas oo sida Saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen ku dhumaaleysanayay halkaas.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas ayaa waxa ay kulamo la qaateen Bulsahda ku nool deeganada Togga suuj iyo Garmaal,iyagoo kala hadlay sidii ay ugu soo wargelin la haayeen hadii ay arkaan rag ka tirsan Al-Shabaab.

Qeybo ka mid ah gobolada Nugaal iyo Bari   ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ku sii qul qulayay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee  Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisiinka Af-Urur ee Ciidamada Puntland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media