Ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Koontoroolada laga soo galo Muqdisho kadib afduubkii Haweeney u dhalatay Jarmalka

Iyada oo Caawa Magalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa laga dareemayaa gudaha Magalada Muqdisho kadib markii Ciidamo aad u farabadan lagu arkay Wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Warar goordhow soo gaaray Raadiyaha Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho intooda badan la geeyey Ciidamo dheeraad ah sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeyso in laga cabsi qabo in haweeneyda u dhalatay dalka Jarmalka ee u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC in Magalada Muqdisho lagala baxo oo lala aado banaankeeda.

Waxaa si aad ah loo xoojiyey Isgoyska Ex-koontorool Afgooye oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xerada Maslax ee Xaafada Suuqa Xoolaha,iyada oo gaarigii soo maraa si aad ah loo baarayo.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan halka la geeyey haweeneyda u dhalatay dalka Jarmaalka ee Caawa la afduubtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media