Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay deegaano ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Shabaab

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa deegaanadii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Shabaab ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada Ceelka Geeloow iyo Qalimoow Wararka saakay naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Goobihii lagu dagaalamay ee Fariisinka ciidamada dowladda la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Milteriga Soomaaliya.

Dadka ku nool Tuulada Qalimoow oo dhowr tallabo u jirta Goobihii lagu dagaalamay ee Ceelka Geeloow ayaa waxa ay sheegeen in Saakay ay arkayeen ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda oo Goobta ku soo qul qulaya.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii shalay ay guulo waaweyn ka gaareen isla markaana waxa ay beeniyeen in ay Shabaab la wareegeen deegaanadii lagu dagaalamay.

Todobadkii hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab waxa ay weerareen fariisinka Ciidamada dowladda ee deegaanka Ceelka Geeloow iyaga oo xiligaas mudo kooban la wareegay fariisinkas wallow markii dambe ay isaga baxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media