Ciidamo Boolis ah oo La Wareegay Amniga Xarunta Aqalka Dawladda Hoose (Warbixin)

Ciidamo Boolis Ah ayaa markii ugu horeysay mudo 18 sano Ah la wareegay amniga Aqalka Dawladda Hoose .

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa maanta Axmed Cabbdullahi Baashane u magacaabay taliyaha amniga aqalka dowladda hoose.

Horey gudoomiye walba ciidamo Military Ah oo beeshiisa u badan ayaa sugi jiray amniga xarunta Aqalka hoose sida ay Radio Dalsan ogaatay

 

Ciidamada miltariga ayaa shalay loo wareejiyey xaryahooda, waxaana tallaabadaasi uu guddoomiye Taabid qaaday soo dhaweeyey dad badan oo dagan Muqdisho, islamarkaana sheegay in loo baahnaa mar hore isbadalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media