Ciidamadii ugu dambeeyay ee Ingiriiska oo isaga baxay Magaalada Kaabul

Dowlada Britain ayaa soo gabo gabeesay daadgureynta muwaadiniinteeda ku sugnaa dalka Afganistan gaar ahaan magaalada Kabul ay dhawaan la wareegeen dagaalyahanada kooxda Taalibaan.

Ciidamo badan oo ka socday dalka Britian ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kabul gaar ahaan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai halkaas ay ka wadeen daadgureynta diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalkaasi.

Diyaaradii ugu dambeesay oo wada ciidamo Biritain ah ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Kabul, waxa ayna Britain soo gabo gabeesay joogitaankeedii dalka Afganistan ay la wareegeen Taalibaan.

Ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dalka Mareykanka ee wali jooga garoonka diyaaradaha Kabul ayaa fursad u heesta in halkaasi sii joogaan ilaa 31-da bishan oo kaliya ka harsan tahay labo maalin.

Waxaana la filayaa in Milatariga Mareykanka isaga baxaan dalka Afganistan waqtigii ku heshiiyeen Mareykanka iyo Taalibaan oo aheyd 31-da bishan, waxaana maamulka garoonka si buuxda ula wareegi doona mamaulka Taliban oo talada Afganistan la wareegtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor