Ciidamadii ku sugnaa Koontoroolkii lagu dagaalamay ee Agagaarka tiyaatarka oo Caawa isbedel lagu sameeyey

Warar ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamadii Maanta rasaaseeyay ciidamo kale oo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaliya ee joogay Afaafka hore ee tiyaatarka ee laga Galo Madaxtooyada Goobtii laga qaaday.

Ciidamadaan oo ahaa kuwo ka tirsan Meleteriga Soomaaliya ayaa ilaalo u ahaa Madxtooyada Soomaaliya balse gelinkii dambe ee Maanta ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya,islamarkaana ciidamadaas haatan bartii ay horay ugu sugnaayeen la keenay ciidamo Booliis ah.

Waxaa la sheegayaa in Ciidamadii Meleteriga ahaa ee Goobtaas laga qaaday uu ku socdo baaritaan ku aadan sidii ay wax u dahceen iyo sababta keentay iskudhaca.

Dagaalkii koobnaa ee Maanta halkaasi ka dhacay ayaa waxa uu sababay geerida taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Ciise Xasan Caraale (Jiijiile)  iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media