Ciidamadda Uganda Ee Amisom oo Heleya Diyaarado Wax Basaasa

Wargeyska the New Vision ee dalka Uganda ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay sheegtay inay diyaarad kuwa wax basaasa ah ku taageerayaan ciidamada dowlada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

War saxaafadeed laga soo saaray safaarada Mareykanka ee Magalaada Kampala ee caasimada dalka Uganada ayaa lagu cadeyay in diyaaraddan nooceedu yahay CESSNA 208B, ay ciidanka Uganda ay heli doonaan maalin Isniin ah oo bishaan March ay ku beegantahay 16.

Diyaaraddan ayaa waxaa ciidamada Uganda ku wareejin doona qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee dalka Uganda ku sugan.

“ Deeqdaan ayaa waxaa loogu gon leeyahay in ay kordhiso awooda ciidanka circa Uganda, si loo dhiso awooda howgallada AMISOM, diyaaradaha waxaa ay kordhin karaan awooda ciidamada circka ee Uganda,taasoo bixineysa tusaalooyin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay saaray safaarada Mareykanka ee Magalaada Kampala ee caasimada dalka Uganada.

Dowlada Uganada ayaa ciidankeeda usoo daad gureysa somaliya sanadkii 2007, taasoo ka dhigeysa wadanka ugu ciidamada badan ee sonomaaliya usoo diray askar nabad illaalineed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor