Ciidamadda Sierre Leone Uga Dhintay Dalka oo Geesiyaal Lagu Tilmaamay

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca ee dalka Sierra Leone, Jeneral Samwel Omar Williams oo Suxufiyiinta kula hadlay Caasimadda dalkaasi ee Free Town ayaa ammaanay Kaalintii ay Ciiddankooda ka soo qaateen Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Ciiddankii qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM muujiyeen geesinimo iyo in ay sare u qaadaan Sumcadda dalka Sierra Leone ee Caalamka.

“Ciiddankeenna waxay u tageen Somalia, si ay dadka Soomaalida  uga taageeraan Nabadda, maadaama ay colaado sokeeye soo mareen” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca ee dalka Sierra Leone, Jeneral Samwel Omar Williams waxa uu Geesiyayaal ku tilmaamay 6 Askari oo ku geeriyootay Hawlgalkii ay u yimaadeen  Somalia.

Qoysaska ay ka geeriyoodeen Askartaasi ayaa waxa uu midkiiba lal siiyey lacag dhan 1,554 Dollars iyo Billad Geesinimo.

850-Askari oo ka tirsan Ciiddankii Nabad-ilaalinta ee dalka Sierra Leone u joogay dalka Somalia ayaa dib loogu celiyey dalkooda, kadib, markii uu Cuddurka Ebola ka dillaacay dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor