Ciidamadda Kenya oo Xiray Seddex Haween oo Doonayay Ku Biirista Al Shabab

Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa shaaciyay iney Gacanta ku dhigeen Seddex Haween oo doonayay iney u soo gudbaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Xarakadda Al Shabab.

Gabdhan Laba kamid ah waxa ay ka soo jeedaan Dalka Kenya waxaana lagu qiyaasay 21-22 sano jir oo Magacyadooda lagu sheegay Maryam Said Aboud iyo Khadija Abubakar Cabdulqadir iyo Haweeneyda kale oo iyadana ka soo jeeda Dalka Zazibar oo Lagu Magacaabo Ummul-Khayr Sadir Abdull.

Waxa lagu qabtay Magaaladda Ceelwaaq ee ku taalla Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya Maanta ayaana laga yaabaa iney Maxkamad ka soo muuqdaan.

Ma Cadda ilaa iyo imminka in Gabdhahan ay doonayeen Ku Biirista Al Shabab iyo In kale,dhawaan Sidan oo kale ayaa lagu qabtay Gobolka Jubadda Hoose muwaadiniin u dhashay Dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor