Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Liyuu Boolis oo ku dhawaad 50-ruux ku dilay Gobolka Togdheer

Ciidamadda itoobiya iyo kuwa ismaamulka Soomaalida ee Liyuu Boolis ayaa lagu soo waramayaa in dad gaaraya 43-ruux ay ku dileen tuuladda Jaamac Dubad oo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland.

Ciidamadda itoobiya ayaa laayay dadkaasi soomaalida oo isugu jiray caruur iyo haween kadib markii dabley hubeysan oo aan la aqoonsan heybtooda ay rasaas ku fureen kolonyo ciidamada itoobiya oo halkaasi marayay, sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Xaalada ayaa hadda degan inkastoo dadka deegaanka ay cabasho ka muujinayaan falka ay ku kaceen ciidamadda itoobiyaanka.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor