Ciidamadda Dowldda Iyo Amisom Oo La Wareegay Deegano Ka Tirsan Gobolka Bakool

Ciidamadda huwanta oo wada howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka bakool kuwaas oo ay maamuli jireen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanadda ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ay la wareegeen waxaa kamida  Buur-dhuxunle, Garasweyne, Moora gaabay, iyo gubadka waxaana deegaanadaasi ay ku yaalaan gobolka Bakool.

Ciidamadda ayaa wali wada howlagaladda ay kula wareegayaan deegaanadda ay Al-shabaab maamulaan oo ka tirsan gobolka Bakool waxaana socda dagaal u dhaxeeya ciidamadda huwanta iyo Kooxda Al-shabaab.

Lama xaqiijin inta uu la egyahay qasaaraha dagaalkaasi ka dhashay balse saraaakiil ka tirsan dowladda waxaa ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen howlgalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor