Ciidamadda Dowladda iyo Al Shabab oo Ku Dagaalamay Mubarak iyo Awdhiigle

Wararka ka imaanaya Deegaanadda Mubarak iyo Awdhiigle Ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaya in Xalay Halkasi ay Weerar Culus ku soo qaadeen Kooxda Al Shabab Dagaal xoogana uu Dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Al Shabab.

Dagaalka oo ilaa saakay socday ayaa Imminka hakaday sida qof goob jooge ah uu u sheegay Radio Dalsan.

Waxa jira Warar sheegaya in Al Shabab ay la wareegtay Tuulooyinkasi inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac badan ayaa ka dhashay Dagaalkii Xalay Bilaawday balse weli ma cadda inta ay la egyihiin.